Ka shaqaynta sidii guri ammaan ah oo la awoodi karo loo heli lahaa dhammaan. Washington waxaa ka go’an inay aragto guryo ammaan ah, hufan oo la awoodi karo dhammaan dadka deggan. Waaxda ganacsigu waxay siisaa qalab dawladaha hoose, kuwa aan faa’iido doonka ahayn iyo wakaaladaha waxqabadka bulshada si loo hubiyo in qof walba la dejiyo bulshadooda. Taageeradayadu waxay u dhaxaysaa maalgelinta raasumaalka si loo dhiso loona ilaaliyo kaydka guryaha la awoodi karo iyo barnaamijyada ka hortagaya qoysaska inay noqdaan guri la’aan.