Af-Soomaali

Miyaad caawimo uga baahan tahay biilka biyaha iyo laydhka?

Hadii aanad awoodin inaad bixisid biilka korontada, gaaska ama biyaha inta lagu jiro xanuunka COVID-19, caawimo ayaa la heli karaa.

Wac shirkadaada laydhka iyo biyaha. Weydii labadan su'aalood:

  • Barnaamijyo caawimo oo noocee ah ayaad ku haboon tahay?
  • Ma dejin kartaa qorshe lacag bixin oo hadhaagii baaqigii hore ah?

Miyaad caawimo uga baahan tahay korontaada, gaaska ama biyaha? Gali ciwaankaaga maabka bogan: https://www.commerce.wa.gov/utility-assistance/.

Waxaad ku haboonaan kartaa barnaamijka fadaraalka oo dadka ka caawiya inay bixiyaan biilasha laydhka iyo biyaha.

Iyadoo ay ku xiran tahay dakhligaaga, waxaad ku haboonaan kartaa barnaamijka fadaraalka ee la yidhaah “LIHEAP” (barnaamijka caawimada tamarka guryaha dakhliga hooseeya). Barnaamij cusub, isku mida oo biilka biyaha ah ayaa la diyaarinayaa. Kuwani waa tusaaleyaal kooban oo ku haboonaanshaha heerarka dakhliga hoose ah:

  • Xajmiga qoysku waa 1 hal qof = dakhligu wuxuu ka yar yahay $1,595 bishii ama $19,140 sanadkii
  • Xajmiga qoysku waa 2 hal qof = dakhligu wuxuu ka yar yahay $2,155 bishii ama $26,860 sanadkii
  • Xajmiga qoysku waa 4 hal qof = dakhligu wuxuu ka yar yahay $3,275 bishii ama $39,300 sanadkii

Wixii macluumaad dheeriya, wac 2-1-1 ama wac “wakaalada shaqada bulshada” deegaanka aad ku nooshahay. Isticmaal maabkan si aad u heshid macluumaadka xiriirka: https://fortress.wa.gov/com/liheappublic/Map.aspx

Khayraadka ayaa diyaar u ah si looga caawiyo kharashaadka kale. Wac 2-1-1 wixii macluumaada.

Xanuunkani wuxuu ku keenay dad badan oo degan Washington biilal lama filaana. Ma tihid kaligaa. Wac 2-1-1si aad ula hadashid qof kugu xiri kara barnaamijyada ka caawiya dadku inay bixiyaan waxyaabaha sida kirada, cuntada, intarnadka iyo qaar kaloo badan.

Last Updated 2021-06