Caawinta xanuunka COVID-19 ayaa la heli karaa
Hadii wax hore lagugu lahaa kirada ama aad halis ugu jirto in lagu saaro, waxaa haysataa sadex doorasho.
- CAAWINTA KIRADA. Ururada maxaliga ah ee gobolka ka shaqeeya ayaa kaa caawin doona inay kusiiyaan kaalmo xaga kirada ah. Adiga iyo qofka guriga kaa kireeyayba waxaad la xidhiidhi kartaan ururka maxaliga ah ee gobolkiina si aad u heshaan macluumaad la xidhiidha sida loo codsanayo.
Liiiska bixiyaasha kaalmada kirada: https://www.commerce.wa.gov/serving-communities/homelessness/eviction-rent-assistance-program/
Hadii aad tahay kirayste ka yar da’da 25, la xidhiidh bixiyaha barnaamijka Caawinta Kirada ee Dhalinyarada la Saarayo iyo Dhalinyarada maxaliga ah. Liiska: https://www.commerce.wa.gov/serving-communities/homelessness/youth-and-young-adult-eviction-rent-assistance-program/
- BARNAAMIJKA XALINTA GURI KASAARISTA. Adiga ama kireeyahaagu waxaad la xidhiidhi kartaan xarunta xalinta khilaafaadka ee gobolka aad ku nooshihiin. Xarumahan waxay kaa caawin karaan arimaha la xidhiidha guri kasaarista. Liiska: org/locations
- BARNAAMIJKA LA TALINTA XUQUUQAHA SHARCI. Kiraystayaasha kuwaasoo hela caawimada dawlada ama leh dakhli hooseeya — $25,760 dakhliga sanadlaha ah ee shaqsiyaadka ama $53,000 ee qoys ka kooban afar qof – waxa uu garyaqaanku ugu shaqayn doonaa si bilaash ah inta lagu gudo jiro hawsha guri kasaarista. Kala xidhiidh Khadka Kalasaarista Difaaca Saarista adigoo wacaya 855-657-8387 ama hab onlayn ah ku codso adigoo raacaya linkigan org/apply-online.
Ogow macluumaad badan oo ku saabsan Xeer ilaaliyaha gobolka
Office of the Attorney General (Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud) wuxuu bixinayaa macluumaad sharci iyo siyaasadeed oo luuqado kala duwan ah oo ku saabsan barnaamijyadan iyo hawlaha kale ee kiraystayaasha-kireeyaasha atg.wa.gov/landlord-tenant.
Wac 2-1-1 si aad uhesho macluumaad kusaabsan caawinta iyo kharashaadka kale
Booqo wa211.org ama wac 2-1-1 si aad ula hadasho qof kaasoo macluumaad kaa siiya si uu dadka uga caawiyo bixinta shayada sida biilasha laydhka, cuntada, isgaadhsiinta iyo wax kabadanba.
Last Updated 2021-10
- ኣማርኛ (AM)
- العربية (AR)
- Chuuk (CHK)
- Duetch (DE)
- Español (ES)
- فارسی (FA)
- Français (FR)
- हिन्दी (HI)
- Lus Hmoob (HM)
- 日本語 (JP)
- ကညီ ကျိာ် (KAR)
- ខ្មែរ (KM)
- 한국어 (KO)
- ພາສາລາວ (LAO)
- Kajin Majōl (MH)
- Tu’un Savi (MX)
- မြန်မာစာ (MY)
- नेपाली (NE)
- Afaan Oromoo (OM)
- ਪੰਜਾਬੀ (PA)
- Português (PT)
- Limba română (RO)
- русский язык (RU)
- Gagana Samoa (SM)
- Af-Soomaali (SO)
- Kiswahili (SW)
- தமிழ் (TA)
- తెలుగు (TE)
- ภาษาไทย (TH)
- ትግርኛ (TI)
- Tagalog (TL)
- українська мова (UK)
- ارُدُو (UR)
- Tiếng Việt (VI)
- 简体中文 (ZHS)
- 繁體中文 (ZHT)